Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia
SHALAY



Xidhiidh
Aniga waxaa ii muuqda in shacabiwaynaha soomaaliyeed uu imika kusii jeedo mustaqbal ifaya oo wanaagsan.". Sheekh Shariif Sh. Axmed Maqal+

"Rabitaanka Shacabku Ixtiraam Buu Mudan yahay". Sh.A.Qani Qorani. Maqal+
Inna Caydiid.
"Xasan Daahir Waa Nin Nabad Ka Keeni Kara Soomaaliya". Inna Caydiid Akhri+
Cadde Muuse.
"Reer Khalaf iyo M.Cumar Puntland Waxba Kama Bedeli Karaan". Gen.Cadde Muuse Maqal+
Cadde Oo Horay LoogaDayriyay. Maqal+
Cadde Muuse Oo Qirtay. Akhri+
Cadde Oo Balantii Ka Baxay! Maqal+
Nashiidka
Todobaadkan

Magaciisu waa Illahay baa nagu filan Maqal+
Soomaaliya iyo
Taariikh

Horta halkan waxa ina dhigay Maqal+
27/12/2006


Maalin Madoow Oo Ku Qorantay Taariikhda Soomaaliya.

Posted: 12.30.06 2:29 AM

"Annaga Ama Argagixisada". G. Bush

Sida ay ku warameen markii ugu horaysay dalal badan oo reer galbeedka ahi, kuwan oo uu hogaaminayo Maraykanku goortii ay bilaabayeen waxa ay ugu yeeraan la dagaalanka Argagixisada Aduunka(tan oo macnaheedu yahay la dagaalka Islaamiyiinta lagula jiro)in dagaalka imika ku jeeda taa uusan ku ekaan doonin Afgaanistaan oo keliya, ee uu gaari doono dal walba oo ka horyimaada markaa sida uu Maraykanku wax u arko iyo goob walba oo la is-oran karo waxa ay qayb ka noqon kartaa dhaqdhaqaaq Islaami ah.

Tan oo uu gaarsiiyay Madaxawaynaha Maraykanku mar u la hadlayay ciidamada Badda ee Maraykanka, isaga oo kulankaa hal hays ogaga dhigay “Annaga Na Raac Ama Argagixisida Raac” . Arintan ayaa markii ay soo baxday ka dib cabsi wayn ku beedhay dalal badan oo dunida ah, Argagaxan ayaa laga dareemayay warbixinadii ay siinayeen warfidiyeenka.

Dalalka hadaba sida goonida ah ay reer galbeedka iyo Maraykankuba u hadal hayeen, ama qorshohoodu ahaa in ay noqdaan Barta xigta ee weeradada Isbahaysiga uu hogaaminayo Bush ayaa waxaa safka hore kaga jiray dalal dhoowr ah oo ay ka mid yihiin, Soomaaliya, Yaman, iyo Ciraaq.

Somaaliya ayaad hadaba moodaa in ay tahay tan ugu tabarta yar ee sida aadka ah ugu Nugul weeraradaa, tan oo loo aanaynayo waxyaabo badan, kuwan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo aan lahayn doowlad dhexe oo awood buuxda u leh in ay maamusho ama faraha ku qabato dalka oo dhan.

Shacabka Soomaaliyeed oo aad moodo in uu maanta daal, dagaal iyo dhimishaba ka dhargay oo aan intaa xili dambe sida muuqata u xiisa qabin. Arimahan ayay hadaba sida ugu wayn u hadalhayeen Warfidiyeenadda Dunida oo dhan Sanadkii 2001dii illaa iyo Maanta oo ah dhamaadka 2006. Soomaaliya Waa Tuma?

Asxaabta Gumaysiga Cad iyo Kan Madoow
Oo Weligood Shaqaynayay.

Sida qoran Qarnigii Sagaal iyo Tobanaad ayay bilaabeen Faransiiska iyo Talyaaniguba sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen geyiga Soomaaliyeed, Ingiriiska ayaa hadaba sanadii 1887kii taagay qaybtii ugu horaysay ee ku hoos noolaata Gumaysi, isagoo sanadkii 1888kii la saxiixday Faransiiska heeshiis lagu astaynayay halka iyo sida loo kala degayo Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa isaguna helay sanadkii 1889kii qayb yar oo xukunkiisa hoostimaada, sanadkii 1925kiina waxaa faraha loo soo geliyay qaybo kale oo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Dhulka Ogaden ayaa isaguna si dhan u hoos tegay Gumaysiga sanadkii 1936kii.

Kadib markii Talyaanigu kusoo jabay dagaalkii labaad ee aduunka, ayaa la isugu geeyay qaybtii uu gumaysan jiray iyo tii Ingiriiska oo lagu magacaabay Soomaaliya, goortaas oo la siiyay xukun hoosaad sanadii 1956kii, tan oo dhalisay in afar sanadood oo keliya kadib sanadii 1960kii la siiyo xoriyad buuxda dhul dhan 350.000Km2. Islamrkaana ay ka talinayaan Dad Soomaaliyeed oo u dhashay dalka iyo dadka.

Dhalashadaa ka sokoow, raggi gumaysigu cariga u dhiibay ee uu isagu gacantiisa kusoo tababaray waxaan tuusaale usoo qaadan karnaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Ragii waagaa lagu wareejiyay taladda dalka, oo sida ay u dhanyihiin inta Talyaanigu soo baray Karaaninimo, nooga dhigay ragg Soomaali Jaalkeed ah, in ay raggii waagaa xukunka qabtay ee uu Talyaanigu watay, oo uu midabka un naga dhexeeyay, waxaa astaan buuxda u ah.

  1. In intay barqo fadhiisteen u go’aamiyeen Soomaaliya oo waagaa reerguuraa isaga badnayn in la qaato, oo lagu dhaqo wadanka Kitaabkii uu Talyaanigu nookeeynay ee uu noogu sheegay in uu dastuur noo noqon doono.
  2. In ay aqbaleen codsigii talyaaniga ee oranayay in uu kusii nagaado dhulkeena hooyo, islamarkaana aysan ka reebanayn in u nala wadaago Khayraadka dalkeena.
  3. In waqti badan ka dib uu talyaanigu si naxariis daro ah ay ola qaybsan jireen, hantida dalka iyo dadka.

Soomaaliya Iyo Itoobiya
Dagaal Abidkii Ah.

Laba qaybood oo waawayn ayaa la siiyay Kenya iyo Itoobiya, Soomaalida Jabutina Waxaa xiligaa weli gacanta ku hayay Faransiiska oo isaguna siiyay xoriyadooda Sanadkii 1977kii.

Xooriyadii Soomaaliya ka dib mid waliba oo kamid ah doowladihii soomaray Soomaaliya waxa ay si aad ah oo xoogan oga shaqaynayeen soo celinta dhulwaynihii Soomaaliya ee la kala qaybiyay, tan oo dhalisay in uu dagaal ba'an dhex maro doowladii xiligaa talinaysay iyo Itoobiya sanadkii 1964kii dagaalkan oo ka dhacay dhulka Ogaden.

Dhibaatadii badnayd ee Gumaysiga iyo qabyaaladii xooganayd ee ka socotay Soomaaliya, mudo dheer ka dib waxaa dhacay inqilaab ay ciidamadu agaasimeen sanadii 1969kii, kan oo uu hogaamiye ka noqday Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo xiligaa isagu ciidanka ku jiray. Tan qudheeda ayaa ka dhigtay in gumaysidiidkii Soomaaliya iyo isticmarkii xabashadu doonaysay mar kale fooda is daro,

Maxamed Siyaad Barre oo isagu ahaa geesi ma gabade ah, ayaa in badan hadal hayn jiray in Soomaalidu ay geli doonto dagaal ba'an oo ka dhan ah Gumaysiga iyo kuwii uu waagaa dabada ku watay ee la jiray ama garabka bidayay isaga..khudbad aad macne wayn u xambaarsanayd ayuu 1974kii ku yiri Siyaad “Sadexsandood kadib waanu ku qasbanahay in aan galno dagaal dhiig badani ku daato”..

Nin aad caan oga ahaa Soomaaliya ayaan maalin waydiiyay sababta ku kaliftay in ay isaga iyo reerkiisu kasoo horjeestaan Doowladii markaa jirtay, Waxa uu iisheegya in uusan qudhiisu garan karin sababta uu sanadkii 1972kii oga baxay Soomaaliya, oo isla markaana qayb ogaga noqday qolyihii u horeeyay ee bud dhigay dagaalkii ugu horeeyay ee doowladii Soomaaliya lagala soo horjeestay.ama hadaan si kale u iraahdo buddhigii u horeeyay ee dagaalda sokeeya.

Dagaalkan ay hadaba Soomalidu la gashay cadawga koowaad ee Soomaaliya sanadii 1977kii ayaa isagu intiisa badan ka dhacay dhulka Ogaden ee ay amxaaradu ka haysatay wagaa, dagaalkan ayay Soomaalidu gudaha u galeen dalka Itoobiya, kadib goortii ay ka taalaabeen Dhulwaynihii Soomaliyeed ee gumaysigu ku jiray, heer ay gaareen in qabsadaan in badan oo ka tirsan dhul dhaca gudaha Itoobiya, inkasta oo mar dambe ay dib ogaga soo baxeen kadib markii dalal badan oo Maraykanku ugu horeeyo ay handadaad ka dhan ah Soomaaliya usoo jeediyeen Soomaalida.

Dalal kale oo badan oo Cupa, Liibiya iyo Ruushku ka mid yihiina ay dagaalka ka qayb qaateen oo xabashida la soo saftay, tan ayaa dhalisay in uu ciidankii Soomaaliya oo loo yaqaanay waagaa in uu yahay mid tabar daran, uu ku noqday mid ka guulaysta waxa ay reer galbeedku ugu yeeri jireen Libaaxii Afrika "Itobiya".

Qaran Kala Tagay.

Soomaaliya xiligaa wixii ka dambeeyay waxa uu gumaysiga reer galbedku ukala qaybiyay reero dhamaantood soo kala horjeeda, Sanadkii 1991 waxaa qaraxay dagaalkii sokeeye oo in badanba ay reer galbeedku ka shaqaynayeen sidii ay mar un Soomaaliya oga abuuri lahaayeen xasilooni dari.

Sanadii 1992 oo ay baahi badani ka dhacday Soomaaliya ayaa waxaa galay Maraykanka iyo dalal kale oo uu hogaamiyay, iyaga oo ku gabanaya magaca "Ilaalinta Musaacadada Banii'aadanimo ee Soomaaliya", waxa ay isla xiligaa samaysteen barnaamij ay ugu magac dareen "Qorshihii Rajo Soo Celinta".

Qorshahan oo ay hogaaminaysay Qaramada midoobay, waxa ay kala kulmeen dhamaan ciidamadii halkaa la geeyay dharbaaxo culus, gaar ahaan kuwii Maraykanka xiligaa halkaa ka joogay, kadib markii ay isku dayeen in ay dad u dhashay Soomaalida wax yeelaan, halkaasna lagaga dilay ciidamadii Maraykanka in kabadan sagaal iyo toban Askari, oo ka tirsanaa sida uu Maraykanku ku waramay "Ciidamada sida Raha u Booda", tan oo sababtay in ay kasoo baxaan Soomaaliya isla sanadkaa. waa

Sanadkii 1995 waxaa qayb ka mid ah Reerka Maxamed Faarax Caydiid ay u doorteen in uu madxawayne u noqdo inkasta oo aysan reerkiisu u dhamayn, hadana taasi waxa ay keentay in uu dagaal adag ka dhexdhasho isaga iyo ninka ay qaraabada yihiin ee Cusman Caato, tan oo ka dhigtay Magaalada Muqdisho in ay marto wax aysan arag tan iyo 1991kii, kolkaas oo ay dagaalada sokeeye ka qarxeen halkaa.

Sanadii 1996kii horaantii Agost waxaa geeriyooday Gen Caydiid isaga oo dagaal kula jira ninka ay qaraabada yihiin Cismaan Caato, halkaas waxaa maamulkii Jabhadiisa si ku meel gaar ah loogu dhiibay Xuseen Caydiid oo isagu ah Wiil uu dhalay oo ka tirsanaan jiray Ciidamada Bada ee Maraykanka. Tan iyo horaantii dagaalka sokeeye ee Somaaliya ma aysan jirin xukuumad dhexe oo soo martay ama ay yeesheen Soomaalidu.

Shirkii Carta.

Dabayaaqadii Sanadkii 2000 waxaa shirwayne ballaaran lagu qabatay Degmada Carta ee Dalka Jabuuti, waxaa lagu ansixiyay dawlad iyo dastuur ku meel gaar ah, waxaana isla goobtaa lagu caleemo saaray Madaxawaynaha doowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan, oo isagu horay oga soo qabtay xilal kala duwan doowladii Marxuumka Maxamed Siyaad barre.

Isla sanadkaa bishii Agosto ayuu cabdiqaasim u kicitimay magaalada Muqdisho oo aad looga soo dhoweeyey, walow qorshahii carta ee dejinta dowladda uu ahaa markii hore ahaa Baydhabo, dagaal Oogayaal ay Itoobiyaanku ku abuureen Magaaladda Muqdisho ayay iyaduna ka socon wayday, waana qaabka uu maanta doonayo in uu kusoo celiyo Zenawiga Nugal dagaal oogayaashii laga eryay Muqdisho, walow ay Islaamiyiintu Ciidanka Itoobiyaanka iyo kuwa ay soo celiyeen ay u yabooheen Cadaab xanuujiya.

Halkan ayuu odhan karaa Muwaadinka suubani hadii uu si wanaagsan u fiidhiyo dhacdooyinku iyagaa isiso laba celiya, dowlad fadhiid ah iyo dagaal-ooge un buu qarankii Soomaali la dhaqaaqi la’yahay, dhab u fiidhi Dowladii Cali Mahdi, Tii Caydiid eay reerkiisu magacaabeen, kii dad ugu xigay ayaa maja xaabiyay.

Ma Dhamaato.

Xiligaa ka dib waxaa lagu qabtay dalka Kenya shir lagu sheegay in markan qabiil wax lagu qyabsan doono, maadaama aysan Soomaalidu wax aan qabiil ahayn wax ku qaybsan karin(Waa sida gumaysigu faafiyee), shirkan ayay Soomaalidu intooda badan waxay isku raaceen in wax kasoo bixi karaa ay noqon karaan, hal-abuurka dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca kan oo si wayn loogu hoobto, qaabkan oo si wayn oga tarjumaya damaca gumaysiga.

Shirarkan oo mudo socday, waxaa ugu dambayntii qaar Soomaalida ahi, kuwan oo garab ka helaya cadowga cusub ee Soomaaliya Tigre-ega, ay soo jediyeen in 4.5 oo salka ku haysa qabyaalad wax lagu qaybsado, tan oo ay barbar socotay wax un loo ogolaaday waxa ay ugu yeedheen dadka laga tiradda badanyahay.

Fadhiyadan ayaa ay dhamaantood la haayeen go’aanka kama dambaynta ah kooxdii u matalaysay fadhiyadaa Tigre-ega oo iyagu sheegi jiray in ay ka socdaan wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya. Gabagabadii fadhiyadan waxaa lagu soo af-jaray in Cabdulaahi Yuusuf loo doorto Madaxwaynaha Soomaaliya.

Xiliyadaa qaar Soomaalida ah ayaa iswaydiinayay ma qof kale oo Soomaali ah baa la waayay? Maxayse tahay waxa lag udoortay? Waqtigaa Soomaalidu waxa ay sidoo kale hadal hayeen tayadda uu leeyahay ama uu yeelan karo Maxay tahay? Da’da uu ku jiro ayaa qudheeda lasoo hadal qaaday.

Fasirka arintan ayaa meel loo dhigo la waayay, waxa keliya ee la isla gartay oo lawada qarwaaqsaday ayaa ahaa, hadalkii suubanaha ee ahaa “Caalamaddaha Saacadda(Qiyaamaha) waxaa ka mid ah in ruux loo caleemo saaro sababta cabsi laga qabo Shartiisa” Imikaynu haynaa hadalkaa Rasuulka Illahay(SCW).

La Soco Qaybaha Xigga.

Voy+NAgency
___________

UPDATE - SOMALIA
GUMAYSI MA JIRIN - Sheeko dhab ah!
SOMALIA HANTI IYO BURBUR
DAREENKA WADANIGA
DAGAAL OOGE
HAWEENKA QURBAHA
DUGSIYADDA SARE
DIGTOONAADA
HABLAHA Riverside
WAXAAD TAHAY MAS'UUL

QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Cabdirisaq Xaaji Xuseen Ninkii Soo Horkacay Tigre-ega Maxamed Farah Aidid Madaxa Dowladda Aan La Aqoonsan
Somalia Somalia

Archives
Somalia
Qormooyinka
Wadaniga!

Sh.Cali Warsame Oo Abaalgud Ka Codsaday S/Land-ta. Akhri+
Ixtiraam Aragtida Dadwaynaha.. Maqal+
Dagaalku Joogsan Maayo" Akhri+
Qaab Dhismeedka Maamulka Islaam. Soomaaliya Akhri+
Jantuuskan Daawo+
Maqal
Todobaadkan

Itoobiya Ciidamadeda Ha Kala Baxdo Maqal+
Soomaaliyeey Difaaca Dalka Maqal+
Sh.Cabdulqadir N.Faarax. Maqal+
Sool Oo Islaam Lagaga Baaqay.Maqal+
Nin U Hadlay Caddaha Sii Liicaya Maqal+
Mudug Oo Ku Baaqay Islaam. Maqal+
Sheekh Jaamac Oo Ka Digay Dagaal Maqal+
Biciidyahan Oo UBaaqay Beesha. Maqal+ M.CumarkaCumar M. "Baaq". Maqal+
Wararka
Todobaadka!

Fadhiga Khardum OoDib Loo Dhigay Akhri+
Guusha Som. Minnesota. Akhri+
Haantaawilifka Baydhabo Akhri+
Gudoomiyaha Bar. & Muqdisho. Akhri+
Islaamiyiinta Oo La Dhaleeceeyey Akhri+
Eedeynta Dowladda Baydhabo. Akhri+
Burburka Madasha Kharduum. Akhri+
Kooxda Baydhabo Oo Isdiidan. Akhri+



AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
ZAMZAM AXMED DUCAALE | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2006 VOY, Inc. All Rights Reserved.