Posted: 02.29.08 11:00 AM
Voy. Jariidada Times ee kasoo baxda dalkan Maraykanka ayaa qortay in xisbiga Jamhuuriga ay imika doonayaan markii labaad mudo Afartan iyo Sideed saacadood gudahood ah in Obama uu yahay Muslim islamarkaana aan la tusi karin Yahuuda.
Qolyo iyagu kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku celcelinayay todobaadkan oo dhan magaciisa oo dhamaystiran Barck Hussien Obama, iyagga oo si gooni ah ugu tuhmay in uu dhawaanahanba la tashanayay la taliyayaal ay ku fogaatay nacaybka Yahuuda.
Waxay marqaati ka dhiganayeen Obama oo markii ugu horaysay daraad la arkay isagii oo xidhan dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida, waxaa goor dambe la ogaaday in Haweeneyda la tartamaysaa ay soo dusisay saiwrkan, walow ay iyadii mar dambe diiday in ay ka dambaysay umuurahaa.
Jariidada oo hadalkeeda sii wada ayaa tidhi Obama dhowr jeer oo hore ayaa la waydiiyey in uu Farakhan imika u dabcayo iyo in kale, waxa uu goortaa sheegay in uu isagu iska diiday wax walba oo ka yimi ama ka iman lahaa dhanka Farakhan, jariidada oo tilmaamaysa arimahaa ayaa iyadna ku dartay, arintan waa lama huraan in ay soo laba kaclayso hadiiba ay dhacdo in uu Obama ku faa’izo doorashooyinkan imika socda, arintan oo ah tan ay ka cabsanayaan inta badan madaxya waynta ka talisa dalkan ama soo maray taladda dalkan Maraykanka.
Jariidada oo ka waramaysa Obama ayaa tidhi Odaygu waa Kiristaan aan weligii Masjid gelin noloshiisii, waxa uu ku barbaaray gacanta hooyadii oo aan diinba haysan, waxa uu xubin ka ahaa Kaniisadda Masiixa Midoobay oo ku taala Chicago mudo 20 sanadood ah, Abiihii oo asalkiisu Kenya kasoo jeeda waxa uu isaga tegay reerkiisii Obama oo oo laba jir, odaygu waxa uu ahaa Muslim.
Jariidada ayaa xustay in dhawaanahanba la isla dhex marayay in Obama Islaamay, waxaana ay fariimahani ka dhasheen warqad lagu soo diray Boostadda, tan oo aan la ogayn halka ay ka timid, fariimo sidoo kale ku tidh ku teen ah ayaa iyadna la isla dhex marayay shabakadda caalamiga ah ee Internet-ka, arimahan oo in muda ahba la isla dhex marayay ayaa ku dhaliyey Obama in uu meel fagaare ah kaga dhawaaqo in aysan arimahaasi wax ka jiraa aysan jirin, sidoo ayuu aqalkiisa Internetka uu ku caliqay qayb uu cinwaan oga dhigay “Obaama Ma aha mana noqon Muslim weligii”
Sidoo kale ayaa la sheegay inuu Ragga hor booda Yahuuda ee gobolka Ohio uu usheegay todobaadkii lasoo dhaafay “Hadii uu weli jiro qof ku wareersan xaqiiqaddu sida ay tahay, Anigu weligey ma aanan noqon Muslim”
Jariidada ayaa qoraalkeedaa kusoo gabagabaysay in Ragga xisbiga jamhuuriga la taliya ay qabaan casbi ah in Obama ay saacideeyeen farimahaa oo loo malaynayay in ay wax udhimi doonaan, Xisbiga ayaa dhaleeceeyey sawiradda la faafiyey ee Obama isaga oo xidhan dhar lagu yaqaan Muslimiinta, arintan oo ay ku tilmaameen xad-gudub ka dhan ah, qaabka dood wanaaga iyo xiwaarka.
Sidoo kale jariidada Daily Telegaraph ayaa soo hadal qaaday in Jamhuuriyiintu ay in dhawaytaba ku celcelinayeen Hussien, iyadda oo ujeedadu tahay bay tidhi sidii loogu muujin lahaa Obama in uu yahay nin Muslim ah, islamarkaana loo shaqki gelin lahaa wadaniyadiisa.
Waxay kale oo tilmaantay Jaridadaa sida Obama uu udifaacay lafihiisa, waxa uu yidhi “Hooyaday waa cadaan, yaraantaydina waxaan kusoo qaatay Indonisia, awoowgeyna waxa uu ahaa Masiixi kadibna waxa uu qaatay Islaamka”.
VOU + News Agency
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |