Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia

SHALAY



Gen.Cadde Oo La Boogaadiyay
Genn.Cadde MuuseOdayadda Nugaal Ee W.Amerika Oo Gen.Cadde Muuse Udiray Tahniyad, isaga oo imika un bilaabay wax tarka gobolka.
The Report.

Somalia
Cadow Malaha.

Dahir Mire Jibriil2007-da cadow la sheego oo aan leenahay ma jiro, iyaga maanta waa in aan ku martigelinaa dalkeena, waayo waa laga soo gudbay is-qabqabsigii.

/The Report
/
'Infidel'
Ayan Hersi

Ayan HersiAyaan Xirsi shakhsiyad dunida galbeedka si wayn u cajab gelisay, waxay imika sayladda buugta kaga jirtaa No.7.

The Report

Diblomasiyad
Dood Dhalisay.

Koshin MohamedKoshin oo 28 jir ah, intii uusan arintan muranku ka taaganyahay madaxa la gelin waxa uu haystay shaarshaari aan sidaa usii buudhnayn..

The Report


Qoys Maraykan Ah!


Qiso Dhan Ah..

Posted: 03.16.08 11:00 AM

Voy. -Bishaaro! Bishaaro! War wanaagsan ayaan maanta wadaa...Hadalkii isagoo aan dhameyn bay Uubato jikada dhexdeeda ka soo dhawaaqday, iyadoo leh: -Bil khayr! Bil-khayr! Maxaad maanta noo sidaa!?

-Waxaan idiin hayaa: Kiniiniga fiyeegra (Viagra) in la rakhiisyey! Qiime-jaban ayaa lagu helayaa, Cawil ayaa u sheegay qoyskii uu ka dhashay, iyagoo ku waqti-qaadnaya qolka-fadhiga, wuxuuna si gaar ah isha ula beegsaday aabbihiis Seed, oo hadalkii ku daray: ”Kiniinigaas, adiga iyo islaantaantaadaba wuu idin anfacayaa,” inta qaboojiyaha kala soo baxay dhalo khamri ah, weliba nooca fudud, qoyskii oo dhan ayaa mar qosol la daatay. Seed oo aan ka jawaabin wargelintii curudkiisa u sheegay bay afadiisa Uubato mar kale ka soo ciday madbakha dhexdiisa, iyadoo leh:

-Waa barwaaqo iyo bash-bash! Allow ha ku qaadin! Caqliga waan kuugu ogaa, meel dheer kama aadan keenin! waxayna amartay ninkeeda Seed:

-Deg-deg u gaar farmashiiyaha, yaan markan lagaa laysan kiniiniga. Waa kiniini kasha iyo laabta u roon! Saddex bilood ayaad sugaysay ee meesha ka kac ninyahow wax-iskuma-falaha ah! Ma sidaas ayaad Maraykan ku tahay!?

-Hadda waxaan u socdaa timo-jaraha, si timaha la iigu jilciyo, ka dibna loo madoobeeyo cirida madaxayga cadeysay. Nin sidaas u d’a weyn ma ahi runtii, laakiin Ameerika d’a weyn ayaan ku joogaa, sidaas awgeed xilligan kama gaarayo inaan tago farmashiga, Seed oo faraxsan ayaa ku warceliyey.

-Eeddo waa maxay: Feen? Annagu hilibka yar-yar ee lafaha ku dheg-dhegan baanu u naqaanaa Feen, Asli ayaa weyddiisay Cawil, iyadoo la yaaban dooda dhexmartay qoyska, weliba farxada iyo reyn-reynta ka muuqata wejiga Seed, niyadana ka leh, “Abshir, walaalkay maanta waa faraxsan yahay! Wax uu ku farxo ayaa loo sheegay ee talow maxaa loo shegay?

-Magaca iyo sharafta ha ka dilin ”bahalka!” eeddo. Dadkan Afrika laga keenayna waa iska hadlaan. Kiniinigan wuxuu ku magac-dheer yahay:”Fiyeegra” (Viagre) adigaase dan u baran doona. Goor dhow ayaad Afrika ka timid, waa adag tahay rutnii in laguu sharxo. Teeda kale weli Soomaali ayaad maskaxda iyo jirkaba ka tahay; sidaa darteed ma aha wax aad fahmi karto. Ha iga xumaan, waa runtay! Dadka Maraykanoobay sida aniga, aabbahay, hooyadeey iyo walaalahay ayaa garan kara; adiguse shalay ayaad Nayroobi ka timid. Horta ma soo martay hanuuntii safaarada Maraykanka ee Nayrobi? Dadka waxay u sheegi jireen in bulshada lagu milmo. Haddaba dadkaaga dhinac ka raac!

-Eeddo waxa aad leedihiin aabbe ha soo gato, isagana ka farxiyey, anna waan rabaa ee ha la ii soo gado, maxay tahay Maraykan ma tihid?, waxaasi ma af baa!? Haddii Maraykan lagu noqonayo i cabsiiya anigana!. Qosol xoog leh waxaa la daatay Uubato iyo wiilkeeda Cawil, iyagoo Asli u muujinaya in ay tahay ”qof galti ah” oo aan waxba kala garaneyn.

-Ma kaniiniga lagu naaxaa? Faytamiino iyo macdan baa ku jirtaa la lahaa, Asli oo hadal tiro lagu ibtileeyey ayaa misna su’aashay.

-Waa maxay naaxida aad sheegayso? Xaggee joognaa?Afrika? Annagu Maraykan baan nahay, Seed ayaa si xanaaq leh ugu jawaabay walaashiis Asli.

-Ha la ii soo gado kulahaa, Cawil ayaa mar kale ku xanafeeyey eedadiis. Qosol ayaa mar kale lala hoobtay, iyagoo eegmo hoos-u-dhig ah eeddo Asli ku eegaya. Asli waxaa galay xishood iyo niyad jab, waxayna goosatay afka inay xirato, iyadoo hoos isaga sheegaysa:

-Allow yaa mar Maraykan noqda! Haddaan Maraykan ahaan lahaa, malaha waxaan fahmi lahaa sirta iyo aqoonta ay maanta ogyihiin reer Seed. Waxaan soo iibsan lahaa ”Feenta!” la igu wareershay. Sidee Maraykan ku noqdaa? Sidooda oo kale ma iska dhig-dhigaa? Mar walba af-ingiriis ku hadal; had iyo goor taleefishan daawo; eey iyo bisad oo iibso;

Qofkii af-soomaali kuugula hadla u sheeg: ”Waan ka xumahay af-soomaali ma aqaan!” Muxuu yahay ”Feenku?” ma cunto lagu naaxaa ciil badanaa dunidu! Eeddo Asli ayaa niyada isaga sheegtay mar kale, oo haddana hadalkii isu raacisay: ”Soo tan dadku iswada macaluulinayo wadankan! Mindhaa waa wax kale!

Doodii kiniiniga iyadoo ay socoto ayey Kinsi oo qabta kastuumo yar ee barideeda muujinaysa iyo garan fudud oo aanay waxba uga hooseyn, muujinaysana horaadadeeda taag-taagan sida toobinkii oo kale baa qolka jiifka ka soo baxday, iyadoo af-ingiriis ku leh:

-Odaygaan iyo habartaan qayladooda ayaan saakay ka seexan waynay! Mar kasta waxay ka sheekaynayaan wax aan loo joogin. Gurigga waan idiinka guuraynaa aniga iyo wiilkayga John. Iyadoo weli dhex-taagan qolka fadhiga ayey misna su’aashay:

-John, honey (macaane), qaxwe miyaan inoo saraa mise shukulaato ayaan kuu sameeyaa, iyadoo farta faadumada ee gacangteeda bidix ku mar-maraysa dheg qallin ah ee ugu xiran xudunta caloosha hoosteeda.

-Shaah baa yaala, eeddo Asli oo afka-ingiriiska ka fahamtay “coffee”, afkana iskkala galsya wax aan loo dirsan ayaa xasuusisay innanta reerka.

-Shaah!? Shaah Soomaalidaa cabta! Akhas! Annaga shaah ma cabno, Maraykan ayaan nahay! Uubato ayaa u sheegtay, oo hadalkii ku dartay, iyadoo gabadheeda af-ingiriis kula hadlaysa, islamarkaana qancinaysa:

-Honey Kinsi (macaanto) iska waran saakay?

-Iskawarantaada ma aqaanee, cajuusayahay i dhaaf! Kinsi ayaa ku warcelisay intay faraha gacanteeda midig ku firdhisay hooyadeed bay misna aabbaheed xasuusisay:

-Odayahow xun, adna beenlow ayaad tahay, sow taad aniga iyo wiilka saaxiibkay John(boyfriend) aad innoo ballan qaaday inaad eey noo soo gadayso! Eeyo rakhiis ah ayaa saakay la iibinayaa; xilligga deyrtana waa xlliga ay ugu qiime-jaban yihiin, siiba nooca eeyda loo yaqaan “Bulldog” oo ay dadka Maraykanku aad u jecel yihiin. Wargeyska ayaa lagu xayeeysiinayaa, marka si dhaqso ah innoogu soo iibi. “Bolldog” waa eey fiican, habeenkii ma qayliyo. Hadduu habeenkii ciyana, uma ciyo sida eeyda Soomaalida oo kale, wuxuu u ciyaa sida eeyda Maraykanka oo kale, ayey Kinsi af-ingiriis ugu sheegtay aabbaheed.

-“Bulldog!? Waxaa ka fiican eeyga “German Shepard” Eygaas nin rag ah ayuu u eg yahay, sida raggana waa u ciyaa, waxna waa u dhowraa! “Bulldog” waa eey fool-xumo ay ku habsatay. Ma rabno, John oo weli dhex jiifa sariirtii uu xalay la galay Kinsi ayaa qolka jiifka kaga soo qayliyey, isagoo sheekada halkaas kala socda.

-Eeyga German Shaperd, sidee u eg yahay? Seed oo aan kala garaneyn noocyada eeyda, runtiina eey, eey un u yahay, kana baqa eey oo dhan baa weyddiiyey.

-German Shaperd, ma taqaanid miyaa? Sidaas miyaad Maraykan ku tahay?, wiilkiisa Cawil ayaa su’aalay, si yaab leh isagoo u eegaya aabbahiis! Seed waa ka xumaaday hadalkii wiilkiisa. Adduunkana wuxuu ugu neceb yahay qofkii ku dhaha: “Maraykan ma tihid!” Ciil dartii intuu is-cuncunay ayuu yiri:

-Maraykan waan ahay, soo aniga sidooda oo kale u nool, sidooda oo kale u hadla, u labista, u fekera, wax u cuna, waa sidee aabbe Cawil? Soo aniga sidooda oo kale idiin koriya! Seed sheekadii ayuu beddelay, goortuu dareemay in dhan loo riixayo, isagoo ilka-cadaynaya ayuu gabadhiisa su’aalay:

-Xalay waan idinka seexan waynay adiga iyo John ee maxaa dhacay?, mar ayey Uubato iyo dhasheeda qosol la dhaceen. Asli ma fahmin waxa laga hadlayo, mana fahmayso afka qalaad ee lagu sheekaysanayo. Waa qoys Maraykan ah, yaaba fahmi kara! Maxayse ka garanaysaa! Maskiin madax-sabuul!

Kolkay aragtay reer Seed oo qosol la daatay, intay iska dhoola-cadeysay, iskana dhigtay qof fahmay maaweelada qoyska Maraykanka ah bay misna dib u weyddiisay waxa lagu qoslay. Mar kale ayaa lagu wada qoslay! Dabadeed waxaa loogu jawaabay af-soomaali gabaabsi ah oo aanay fahmeyn. Mar-mar qoyska Maraykanoobay ayaa Asli ku madadaasha, iyagoo hadba su’aala: “Ma taqaanaa: atariisho hablaayo? Ma taqaanaa atoore hebel? Ma taqaan Opreh Winfrey? Goortay tiraahdo ma aqaan, ayaa lagu qos-qoslaa, waxaana laga dhigtay qof iska badow ah oo aan ”Maraykan” aheyn. Asli ciil bay la aamusan tahay, iyadoo niyada ka leh: “Mar Maraykan yaa noqda! Sida dadkan oo kale ayaan dunida fahmi lahaa!”

Xaaji Seed oo aad u faraxsan, intuu u mahadiyey taladii qiimaha iyo nuxurka la laheyd ee ka timid curudkiisa ayuu markiiba fadhiga ka kacay oo naftiisa u sheegay:

-Waxaan ahay nin Maraykan ah! Soomaali isir iyo fir danbe kuma lihi! Waa inaan u labistaa sida nin Maraykan ah oo kale! Seed wuxuu gashtay dhar isku-joog ah, oo cusub. Koofiyada lo’-raaca (cowboy) ayuu dhalada surtay; dharkii isku-jooga ahaa (suit) wuxuu la xirtay kabo safaari buut ah oo ay baadiye-jooga l’oda raaca qaataan.

Qoorta wuxuu ku xirtay calal dhuuban (tie) oo midab cas leh. Waxaa surkiisa ka lusha sil-silad qalin ah, dhegahana wuxuu gashtay laba dhegood oo bulukaati ah. Cumaacunta gacanta bidix waxaa ugu xiran sil-silad yar oo dahab ah, tan midigna waxaa ugu jirta jijimo. Faraha gamcaha waxaa ugu xiran farraantiyo cul-culus, dahab, qalin. Luqunta iyo dhabarka waxaa uga naqshadaysan (tattoo) farshaxan tusaya halaq afka holac ka sii daynaya. Inkastuu labisan yahay dhar isku-joog ah, haddana waxaa labadiisa dhegood iyo luqantaba si cad uga muuqda rinjiga midabka cagaaran ee jirkiisa lagu naqshaday. Muraayada ballaca iyo jooga isku darsatay ee ku xiran madaxa sariirta uu ku seexdo ayuu dabadeed hor tegay, oo haddana isu sheegay, isagoo kolba doc iska fiirinaya:

-Waxaan u ekahay Maraykan run ah! Oogada sare un baan Soomaali uga ekahay! Ilaah baa iga dhigay Soomaali, maxaan falaa!? Waddada intuu ku sii jiray, wuxuu iska fogaynayey wax walba oo u ekaysiinaya inuu u muuqdo qof SOOMAALI ah! Weliba wuxuu ka fogaanayey inuu yeesho qaabka, san-saanka iyo fekerka ruux Soomaali ah oo kale. Mar walba waxaa kor iyo hoos ka eega, dadweynaha dhabaha socda, iyagoo la yaaban qaab-xumada labiska ninka ”Maraykanka ah!” Hase, ahaatee, Seed aad buu u farxaa kolkuu arko dadka hareeraha waddada yaacaya oo wada eegaya, isagoo niyad ka leh:

-Maanta ayaan Maraykan run ah noqday, waa sababta la ii fiirinayo! Waraf iyo shinbiro war isuma hayaan! Dabadeed Seed wuxuu isla-rogay tareenka magaalada isaga dhex goosha, isagoo qofkii ka hor yimaadaba af-ingiriis ku leh: “what’z up?” (Iska waran?) Intuu saarnaa tareenka wuxuu ku qarwayey:

-Soomaalidu waa dad hooseeya, aqoon aan laheyn. Ma aha dad il-bax ah. Badankood waa reer baadiyayaal. Dadku yaanay i moodin inaan ahay nin galti ah, oo SOOMAALI ah, ma anigaaba ah? Anigu waan ka duwanahay Soomaalida. Asalkii hore waxaan ku dhashay, kuna bar-baaray magaalo, ma aha magaalo kasta ee waa Muqdisho. Haddana waxaan ku dhex mil
-malmay dadka Maraykanka. Waxaan noqday nin Maraykan ah oo il-bax ah, wax-kala-garanaya! Sida dadka Maraykanka ayaan wax u cunaa, u labistaa, una fekeraa…sida dadka Maraykanka ayaan…Waxyaabaha ay Maraykanku jecel yihiin ayaan jeclahay; waxyaabaha ay dadka Maraykanku neceb yihiin ayaan nebcahay, waxyaabaha dadka Maraykanku ay sameeyaan ayaan sameeyaa. Yaa iga reeba magaca SOOMAALI! Mar haddaan maanta ka baxay Soomaalinimadii!

Carruurtayda ma doonayo inay Soomaaliyoobaan. Ma rabo inay bartaan af-soomaali. Waa af-hooseeya, afka aqoon-darada, afka-saboolnimada iyo cudurka. Ma rabo ilmo aan dhalay inay af-Soomaali ku hadlaan; aniga ayaaba ka caagan, xaggee joogaan ubad aan dhalay! Isagoo sidaa isula-hadlaya ayuu Seed siduu u socday tegay farmashiga ku yaala bartamaha magaalada Niyuu Yoork, halkaas oo loogu sheegay in la keenay kaniiniga ragga ku abuura damac iyo hiyi-kac dumar oo xad-dhaaf ah. Ka dib saf dheer ayuu galay, si uu u iibsado kiniiniga uu muddada dheer baadi-goobayey, waxaana kula taliyey inuu soo gato saaxiibkiis Micheal Alfredo oo ay isku ka kawa shaqeeyaa. Goortuu damcay inuu baxsho lacagtii ayey naagtii farmashiga iibinaysay u sheegtay:

-Soomaali miyaad tahay?, waan iska gartay, waxaan ka gartay sidaad ugu dhawaaqayso af-ingiriiska, weliba sidaad u leedahay “Viegra” ayaan ka gartay, waayo Soomaalidu ma laha xarafka “Vda”, oo waxay xarafka “Vda” mar kasta u akhriyaan sida xarafka “Fda’ oo kale. Seed waa qaracmay, wadnaha ayaana istaagi lahaa goortuu maqlay “Soomaali ayaad tahay!” Wuxuu ku sigtay mar qura inuu liqo darsinka kaniiniga ah ee uu gacanta ku sito, si uu naftiisa u sumeeyo! Hadalkii kama ay harin naagtii oo waxay u raacisay, iyadoo qoslaysa, tusaysana inay aqoon u leedahay Soomaalida:

-Markaad laheyd goobta baabuurta la dhigto meeday (parking), ayaan runtii horay kaa gaartay, waayo, Soomaalidu xarafka “Pda” waxay ugu dhawaaqaan sida xarafka “Bda”, taasoo keenta in horay laga garto SOOMAALINIMADOODA! Seed shalay ma ahee dorraad ayey ka noqotay. Xanaaq iyo ciilwaa!
-Maraykan ayaan ahay, waa maxay Soomaalida aad ila daba-joogto! ayuu si xanaaq leh ugu sheegay, labada indhood si kulul intuu ugu gubay gabadhii. Hadduu maanta awoodo gebigeedba wuu liqi lahaa! Meel xun bay ka durtay. “Maantay iigu yeertay Soomaali! Ninkaygan bulshada ku dhex milmay ee Maraykanka ah!” isagoo kor ugu dhawaaqaya ayuu degdeg uga baxay farmashiiyihii.

Isagoo caga-jiidaya ayuu gurigga ku noqday, kuna faraxsan “Fiyeegraha” uu sito, ha, yeeshee, ka naxsan, kana xanaaqsan hadalkii urugada ku noqday oo ay naagtu ku tilmaamtay. Noloshiisa oo dhan wuxuu halgan kharaar ugu jiray, welina ugu jiraa siduu u noqon lahaa Maraykan! Maanta naag xun ah ayaa qasacadaha ka jajabisay, siduu niyada isaga sheegayo. In yar markuu fadhiyey ayey afadiisa Uubato u sheegtay:

-Caawa waxaa jira shirka waalidiinta iyo barayaasha dugsigga ee is-diyaari. Waa inaan tagnaa, waayo isniintii hore ayaan seegnay, caawa kama baaqan karno.

-Meel uma socdo. Caawa waxaa soo galaya barnaamijka Jeeri Isbringer (Jerry Springer), isaga ayaan daawanayaa, weliba caawa wuxuu ka hadlayaa: wiil iyo aabbihiis oo ku dagaalamaya gabar yar oo qurux badan iyo gabar ku eedaynaysa hooyadeed inay la seexatay ninka saaxiibkeed ah! Waxa kale ee uu caawa ka hadlayaa siday dadka gaboobay dhallinyaro isaga dhigi lahaayeen, uguna labisan lahaayeen hanaanka dhalinta. Naa joog oo ila daawo caawa barnaamijka. Ha igu cidleen aqalka, waad ogtahay Maraykanku cidlada waa neceb yihiin. Waad ogtahay Cawil gabadhii saaxiibtiis ee Janet ayuu caweys(nightclub) u raacay; Kinsi iyo John waa maqan yihiin...Gabadhii Feyd ayaan ka baqayaa nin Soomaali ah inay daba socoto, waayo weli ma arag iyadoo aqalka keentay wiil saaxiibkeed ah (boyfriend). Uubato...Macaanto, soo inaan daawano ma aha Jeeri Isbringer, si qunyar ah afka intuu u dhunkaday, waxaase, il-fuur ku noqtay Asli oo hoos ka eegaysa. Barnaamijkaas, waa barnaamij ay dadka Maraykanku aad u jecel yihiin!

-Mida kale, bisha soo socota dhakhtarka Qurxinta iyo Qaabeynta oogada ayaan waqti kaaga dalbay, waxaa lagaa dhigayaa gabar yar oo dhex is-neelo ah ayaa lagu samaynayaa; dhag-dhag ayaa lagaa dhigayaa, waa lagu habaynaaa, mar ayey wada qosleen, iyagoo af-ingiriis ku sheekaysanaya, Aslina ka dhigaya qof dheg-weyn ah oo aan wax-ka-soo-qaad laheyn.

Asli yaab iyo anfariir ayaa ka soo haray. ”Konton jiro afka iska jaqaya,” ayey niyada ka leedahay! Kuwani waaba Maraykan run ah!? Ma sidan ayey u dhaqmaan Maraykanka runta ah!

-Waan u baahanahay runtii takhtar iga shiila xulusta iyo cududada...ayey Uubato ku warcelisay. Qolka intay u laabatay bay soo gashatay surwaal jiinis ah oo jirkeeda ku dhegan, iyadoo ninkeeda tusaysa surwaalkii ay shalay soo iibsatay inuu ka yaraaday, waxayna cambaarayn kulul dusha uga tuurtay baruurta iyo cayilka oogadeeda. “Waan u baahanahay inaan is qalo, sidee isu galaa yaakhay!”

-Konton sano iyo coor-coor ayaad jirtaa, waa maxay sulwaalka aad qabtaa. Acuudi Bilaahi! Naa Uubato ma waalatay, ayeeyo ayaad tahay adna jiinis ayaad isku giijinaysaa! Asli ayaa ku haruuftay.

-Maxaa ka macne ah, Seed ayaa af-ingiriis ugu jawaabay, oo ku daray hadalkii: Maraykan ayaan nahay! Tan kale Uubato waxaa u qoran 38sano inay jirto. Iyagoo sheekaysanaya baa waxaa albaabka aqalka soo garaacay nin sida laba eey iyo bisad oo ay hore u dalbadeen Kinsi iyo wiilka saaxiibkeed John.

Samatar Sooyaan
samatar22@yahoo.com


QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Samatar Sooyaan

Somalia Somalia

Archives
Maxay Qoonsadeen Culimaddu!?
Sh.Cabdulqadir Nuur FaraxCulimadda Puntland MAxay Qoosadeen! Waa Su'aal Soomaalida Oo Dhan Ay Is-waydiinayaan! .
 Qaybta 1 & 2aad
Cadowgu Wuu
Jabayaa!

Sh.Sharif Sh.AxmedSh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Islaam-iyiinta Somalia "Itoobiya waxaa ay imika,.
  The Report
Codka Shacabka Ixtiraam!
Sh.Sharif Sh.AxmedCodka iyo Doonista Shacabkuba Ixtiraam Bay Mudanyihiin ,..
  The Report
Gabantu Cadaalad Ma
Aysan Helin

SamSam DucaaleWax Cadaalad Lagu Sheego iyo Wax Udhow toona ma Aysan Helin Samsam Ducaale,..!
  The Report


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.