Patriotism Without Boundaries
Calanka Somalia

SHALAY



Gen.Cadde Oo La Boogaadiyay
Genn.Cadde MuuseOdayadda Nugaal Ee W.Amerika Oo Gen.Cadde Muuse Udiray Tahniyad, isaga oo imika un bilaabay wax tarka gobolka.
The Report.

Somalia
Cadow Malaha.

Dahir Mire Jibriil2007-da cadow la sheego oo aan leenahay ma jiro, iyaga maanta waa in aan ku martigelinaa dalkeena, waayo waa laga soo gudbay is-qabqabsigii.

/The Report
/
'Infidel'
Ayan Hersi

Ayan HersiAyaan Xirsi shakhsiyad dunida galbeedka si wayn u cajab gelisay, waxay imika sayladda buugta kaga jirtaa No.7.

The Report

Diblomasiyad
Dood Dhalisay.

Koshin MohamedKoshin oo 28 jir ah, intii uusan arintan muranku ka taaganyahay madaxa la gelin waxa uu haystay shaarshaari aan sidaa usii buudhnayn..

The Report


Puntland;


Tolow Culimadu Maxay Qoonsadeen?

Posted: 02.19.08 11:00 AM

Voy. Indhawaytaba waxaa Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya kasoo baxayay fariimo badan oo kala duwan oo intooda badan soo kala horjeeda, ujeedada ugu wayn ee fariimahaa loosoo dirayay illaa iyo imika ma cadda, laakiin waxaa ummadd badan oo dayma-sugad ahi ku tilmaameen in ay yihiin kuwa ka dhashay jahawareerka maanta ka taagan go’aankii ay ahayd in ay culimada iyo waxgaradku qaataan, marka laga hadlayo arimaha murugsan ee maanta ka taagan Dalkii Soomaaliya.

Farimihii kuwa daraad lasoo diray ka horeeyey, ayaa si ba’an loogu dhaliilay dhaqdhaqaaqa dhaliinyaradda Soomaaliyeed ee ku jeeda dhamaan xoogaga xooga kusoo galay Soomaaliya iyo dabadhalifka ufududeeyey in ay gaadhaan ujeedada ay kuwaasi lahaayeen, tan oo ay ku taamayeen tan iyo qarnigii 13aad.

Cadowgu imika ayuu umuuqdaa in uu gaadhay ujeedadii uu tan iyo jiritaankiisii usoo kaca-kufayay, goortii hore waxa ujeedkooda ugu wayni ahaa, sidii ay Soomaaliya ugu qaybin lahaayeen gobolo yaryar oo dhamaantood ay ka taliyaan wax-magarato iyagga ka amarqaata, hawadooda ugu wayni waxa ay ahayd oo keliya taa, laakiin daba-dhilifka nugul ee maanta oo aan sinabba u gabanaynin ayaa ku dhiiraday in ay gudaha usoo geliyaan Xaruntii iyo qalbiigii Soomaaliya laga maamulayay ee Muqdisho.

Culimaddan Oo Al-Shabaab
Dhaliilay.

Fariimahan ka imanayay Culimadda Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya, ayaa intooda badani waxa ay ku jeedeen dhaliinyaradda imika u guntatay sidii ay u xorayn lahaayeen dhulwaynihii Soomaaliya in ay geeska geliyaan, fariimihii waqtigaa lasoo diray waxa ay si dhan ugu baaqeen in waxa ka socda Magaaladda Muqdisho, aan imika lagu tilmaami karin Jihad, ama dagaal ka dhan ah dabadhlifka iyo cadowgii Soomaaliya ee ay soo hogaamiyeen.

Waqtigaa waxa ay ku baaqeen in ay dood-cilmiyeed usoo dibad baxaan qaar dhaliinyaddaa ka mid ah oo markaa lagu tuhmayay in ay ku suganyihiin halka ay fariimahaasi ka imanayeen ee Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya.

Umuurahan is-wada huwan ayaan illaa iyo imika la garan karin waxa dhaliyey iyo wixii loola amaamuday, ee markaa lalahaa armaa lagu daweeyaa, ama lagu dabiibaa, iyo cida ay sida gonida ahi danta ugu jirto ama u qusayso, sidaad dooniba udhigoo umuurahaa illaa iyo imika lama garan halka ay ujeedaan iyo sida loo dhigay iyo waxa loola jeedo toona.

Fariimahan Oo Si Kala
Duwan Loo Arkay?

Hadaba goortii ay fariimahaasi soo baxeen kadib, ayay dad badani waxa ay ku dhalisay in ay siyaabo kala duwan udhigaan sababaha waqtigan keenay in culimadda Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya ay l a dhawaaqaan fariimaha noocan oo kale ah, qaar baa yidhi armay umuurtu imika isugu biyo shubatay dhaqankii Soomaalida ee ahaa “Oodi sida ay isu xigto ayeey isu xoqdaa”, oo halkaa ay culimadaasi kaga biireen tareenkii ay Soomaalidu wada saarnayd ee Bahabaha iyo sida ay isuxigaan, oo culimadisaadi ay markaa ku intahoodeen “Fiqi Tolkii Kama Janno Tago”,.

Iyadna waaba dhacdaaye, kuwa kalaa lahaa armaysan sidaa ahaynoo culimadu ay ka biyo diideen dhaliinyaraddan sida fudud dowladdii Islaamka oga dhalisay Dhulkii Soomaaliya intiisii badnayd, ka biloow Goboladda Jubadda Hoose, illaa iyo Goboladda Dhexe ee Soomaaliya, iyagga oo gilgilay dhamaan maamuladda dabadhilifka ah ee u adeega Daafi-qudhunlayda, goortaa oo sida aad xusuusataan mar keliya kuwada baaqay in ay Islaamka qadanayaan, islamarkaana ay kitaabka quraanka ah ku dhaqayaan meelaha ay ka taliyaan.

Maamuladaa cadowgu dhoodhoobay waxaa ugu fogaa, uguna dhaqan xumaa Daahir Riyaale iyo kooxda maamulka hargaysa, oo cadowgu in badanna kaga kalsoonyahay kuwa kale, sida Puntland, Bayland, Jubbaland, gal-mudug, iyo Jinniland, isaguna waagaa sida aad wada xusuusataan waxa uuba uqaatay in carshigiisii laga tuuray, goortii uu waagu u baryay, ayuu la qayliyey Shareecadda Islaamkaan qaadanay, walow lagaba yaabo in hadii Shahaaddada la waydiiyo uusan sixi karin, halka ummadda oo dhami ay wada garanayaan isaga, camalkiisa iyo wixii uu arzaaqsan jiray beri-samaadkii, oo isaga daba-qoodhinimadda waxaa udheeraa, waxa uu xubin firfircoon ka ahaa Hangashkii Inna Barre.

Kacdoonkii Qabiiladda
G/W/Bari.

Illaahay nuur ha saaree qabiiladii Soomaalida ee ugu horeeyey ee ku dhawaaqay in ay shareecadda Islaamka waxaan ahayn aysan ku qancaynin waxaa ugu horeeyey “Maxamed Cumaraka – Cumar Maxamuud”, waxaa soo raacay oo isla todobaadkaa ku dhawaaqay “Reer Biciidyahan – Majeerteen”, waxaa dabagalay “Dhulbahante – Harti”, waqtigaas oo Caddaha imika ka taliya Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya uu af-labadii yeedhay isaga oo leh “Diinta ayaan qaadanay”..Waxaan iyagana la iloobi karin reer burco oo dadwaynaha Goboladda Wuqooyi Galbeed Soomaaliya u horseeday in ay shareecaddu tahay tan keliya ee lagu badbaadi karo, xaga Illaahay iyo noloshan dhow ee dunida.

Ragii culimadda ee muhimka ahaa ee waqtigaa hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Jaamac Cabdisalaan, oo wax laga waydiiyey warqad ay ku saxiixnaayeen, ragg badan oo dhaliinyaradda gobolka ah, kuwan oo doonayay in la hirgeliyo shareecadda Islaamka.

Waxaa iyadna xusid mudan in waqtigaa uu arintaa ka hadlay Sheekh Cabduqadir Nuur Faarax oo yidhi diinta Islaamka ummaddani way haysataayee, waxa keliya ee loo baahanyahay waa in Maxkamadaha la geeyaa” – Diintuna sida qoran Maxkamadd oo keliya way ka wayntahay, Islaamku waa diin keliya oo dhamaystiran, min kan ugu sareeya ee Madaxwaynaha illaa iyo kan ugu yadh ee xalay dhashay, sida qoranna waa waajib muqadas ah in si dhamaystiran loo hirgelyaa, waxaa loola jeedaa iyadda oo dhamaystiran!

Wadahadalo Qarsoodi ahaa!

Waqtigii ay Islaamiyiintu soo gaadheen Magaaladda Galkacyo ee uu Cadde ku baaqay in ay dagaalka joojiyaan, isaguna uu shareecadda hirgelin doono, ayaa waxaa fadhi qarsoodi ahaa lagu qabtay Magaaladda Garoowe, fadhigan oo ay isugu yimaadeen culimadda Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya iyo koox Cadde Muuse ka socotay, waxaa culimaddan oo uu hogaaminayay Sheekh Cabdulqadir la waydiiyeey sida ay u arkaan raggan imika Maamulka Cadde Muuse soo weeraray, waxay culimadaasi lasoo shir tageen, oo u sheegeen kooxdii Cadde Muuse in ay iyagu shacab yihiin, waxa imika socdana aysan wax lug ah ku lahay!

Cadde Muuse hadii uu xoogaa maalmo hosaasiyey Islaamiyiintii cariga soo galay, islamarkaana uu usheegay in uu Shareecadda Islaamka hirgelinayo, ayuu ragiisii hoosta oga yeedhay iyo cadowgii Soomaaliya ee weligii, halkaasaa barqo fooda la is-daray cadowgii Illaahay ee dalka iyo dadka iyo dabadhilifkii uu Cadde Muuse hagayay, umuurtu halkii ay ku intahooday ruux walbaa ogaa.

Culimadda G/W/Bari Oo
Tagay Muqdisho

Ka hor intii aysan Islaaamiyiintu soo gaadhin cidhifka dhow ee Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya waxaa ragg badan oo culimadda Goboladan ahi ay tageen xaruntii Soomaaliya, oo ay Islaamiyiintu ka talalinayeen waqtigaa, intoodii badnayd way ka biya diideen xaalkii halkaa yaalay – ilaa iyo imika sababteeda lama garan, halka in kale oo culimaddaa ka mid ahina ay ku soo qanceen, arintan oo markii dambana dhalisay in ay dagaalkii Cadowga iyo daba-dhilifka lala galay ee Gaalkacyo duleedkeeda ka dhacay ka qayb qaateen!

Marki ay Islaamiyiintu goosteen in ay wujhadda dagaalka oo dhan bedelaan, oo sida uu ku baaqay Sheekh Shariif ay u diyaar garoobeen dagaal mudo dheer socon doona, waxa ay bilaabeen in ay soo diraan fariimo is-wada dabamarsan, oo kuligood kasoo horjeeda Maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed iyo xaq-udirirka imika isu xil-saaray sidii ay dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed oga dul-qaadi lahaayeen duliga iyo cadowgii oo fursad qaali ah helay, waxaa hadaba is-waydiin mudan, koley fariimahani in aysan muhimad lahayn aragnaye yeey u danaynayaan? Bal Akhristoow adigana sida ay kula tahay waxaad kusoo dirtaa E-mailkan si aan ugu gudbino Ummadda Soomaaliyeed ee xalaasha ah, hadii aanu fikradaada xal u aragno.

Culimadda Oo Kooxda Cadde
Muuse Amaanay.

Hadii aan usoo laabano fariimaha imika todobaadkan lasoo diray ee ka yimi culimadda Goboladda Wuqooyi Bari, waa ka dar oo dibi dhal, waxaad moodaa in ay fariimahani xoogaa ka duwanyihiin kuwii hore, oo kuwan waxa ay xooga saarayaan kalsooni buuxda oo la siinayo daba-qoodhiga imika ka taliya Goboladdaa, kuwan oo raggii halkaa isaga dabamaray oo dhan ay u dhigeen hadalkooda “Maadaama ragga imika gobolka ka taliya annagu aan dooranay, waxaan doonaynaa in ay ka shaqeeyaan ammaaanka gobolka”!

Weli waxaad moodaa in ay adagtahay in aan garano cida ay fariimahani u dan yihiin, ama cida ay maslaxadi ugu jidho, horta nimankan imika boobka ku haya hantidii shacabka, oo aad intiina badan ogtihiin, oo halkaa uusan war idinku seeganayn, hadana la huwiyo maqaar lagu sharciyeeynayo oo dadkii looga dhigayo wax Illaahay doortay, iyadda oo lawada ogsoonyahay sida ay meesha ku yimaadeen, iyo weliga gaar ahaan Cadde Muuse halgankii qadhaadhaa ee uusoo maray kursigaa, iyo ninkii ay qaraabadda ahaayeen ama dhiiga bahdiisu ku dhamaaday, taasina ay dhalisay in uu Con.Yeey ka haybaysto, maadaama con-ku uu yahay nin xabad un ku barbaaray, wax aan iyadda ahayna aan af-garanaynin…

Hadaba ninkii sidaa ku yimi marka uu yidhaahdo, ama ay yidhaahdaan raggii la filayay in ay Soomaali indho unoqon doonaan, sow nasiib daro ma ahan, waxaa laga yaabaa in intiina badan ay iswaydiiyaan ujeedada ka dambaysa fariimhan bilaha laga dhigay, iyo halka ay ujeedaan.

Dhanka kale nimankan awliyadda laga dhigayo sow ma ahan kuwa habeen walba kufsada gabdhaha masaakiinta ee Gobolka, waxaa noo warantay haweeney hooya ah oo ubadkeedu ay ubad dhaleen, waxay tidhi “Waxaa la isoo garba-duubay aniga oo maraya mid ka mid ah dariiqyadda magaalooyinka Gobolka, markii la isoo qabtay baa waxaa la iikeenay sadex nin oo wejigu u duubanyahay, kuwii isoo qabtayna wejigaa u xidhnaa, iyagu way igaranayeen, markii la iikeenay ayay yidhaahdeen; war annaga inna hebel hebel oo habar ah idiinma aynaan dirsane, waxaan idiin dirnsay gabdho yaryar, islaantaa waxa ay tidhi nimankaa codkooda waan garanayay, waxayna ahaayeen ragg ka tirsan kooxda Cadde Muuse” – Kuwa Amaanka, diinta iyo dhaqanka suuban laga sugayo sow kuwaas ma ahan?

Ka Dar oo Dibi Dhal

Intii aan fariimaha raggaa dhagaysanayay waxaa iigu yaab badnaa wadaad lagu magacaabay Maxamed Macalin oo hadalkiisa inta badan u odhanayay “ war hubka aad la ordaysaan iska dhiga, waxa keliya ee uu ku tari karaa waa in uu aqalkaaga gubee” , waxaad xusuusataan ama aragteen sida Ilaahay uu ufarayo quraanka in uu ruux waliba oo Muslim ah uu diyaarsado salabkiisa, habeen walba uu ku seexdo sidii uu maalin un ugu gadhgaadhi lahaa shareecadda Islaamka! Bal adba maxaa halkaa kaaga baxay!

Tan runtii in uu qof wayni ka xishoodo ay ahayd, ee uu ku hadlay ninkaasi waxaa ugu sii xumaa markii uu yidhi “Hubka dhiga oo Matagaan lala ordayana meeshii la rabay ma ahanne yaan la sii daynin”, waxaase ka yaab badan dadkii halkaa fadhiyey ee dhagaysanayay waxa uu ninkaasi ku hadlayay! Oo habayaraatee aan waxba ka odhan!

Sidoo kale ayuu af-gubaadsaday dadkii halkaa isugu yimi “Diinta ha isku adkaynina, Diintu waa ay sahlantahay, qarax lama doonayo, nimankan nala dagaalsan ee wax walba noo diidan (Maraykanka) waa in aan la fadhiisanaa oo aan wax walba ka raaridnaa” bal akhristoow adiguba macneee! Ragii ugu dhawaa ee dhagadhageeyey hadalkii fariimihi halkaa laga soo dirayay markii ay macne kale u waayeen waxa ay ku gaabsadeen “Armaa dhaqaalihii La Dagaalanka Argagixisaddu uu Culimaddaa Gaadhay!

Voice Of Youth


QAYBAHA QUURSIGA: 1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG 1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |


Sh.Cabdulqadir Faarax

Somalia Somalia

Archives
Cadowgu Wuu
Jabayaa!

Sh.Sharif Sh.AxmedSh.Shariff Sh.Axmed Madaxa Islaam-iyiinta Somalia "Itoobiya waxaa ay imika cagta saartay dariiqadii ay ku burburi lahayd.
  The Report
Codka Shacabka Ixtiraam!
Sh.Sharif Sh.AxmedCodka iyo Doonista Shacabkuba Ixtiraam Bay Mudanyihiin Hadii Galbeedku Wuxuu Sheegayaa Run Yihiin" Sh.C.Qani Qorane.
  The Report


AQALKA | N.S FOUNDATION | KAYDKA | JADWALKA
MAXAY GALABSATAY | AQOON ISWAYDAARSI | NALA EEG


© Copy; 2002 - 2007 VOY, Inc. All Rights Reserved.