Posted: 02.24.08 11:00 AM
Voy. Puntland; Tolow culimadu maxay qoonsadeen, waa su’aal in badan oo Soomaalida ahi is waydiinayaan, weli cid uqiil bixisay lama arag, dad badan oo Soomaalida ah, oo weliba daymo-sugad u badan ayaa lahaa “Qisadani waxa ay nasoo xasuusinaysaa markii Sh.Cali Warsame ay soo weerareen qolyaha ay Somaliland-nimadu madaxmartay iyagga oo ku eedeynayay in uu kasoo horjeedo ujeedada guracan ee kala gooynta Soomaaliya, iyo ujeedada ay wakiilka oga yihiin daafi-qurunlayda ka talisa Itoobiya” Iyaga oo qolyahani hadalalkooda sii wada ayeey yidhaahdeen “Sheekha waxaa waraysi ugu yimid watigaa mid ka mid ah Warbaahinta ku hadasha afka dadka Goboladda Wuqooyi Galbeed ee Soomaaliya dega, waxaa ay waydiiyeen waxa lagugu eedaynayo maxaa ka jira”
Sheekhu isaga oo is-difaacaya ayuu yidhi “Cidii xasuusata ayaa xasuusta caqligii lagu kala diray dhaliinyaradii Itixaadka ee isku uruursaday duleedka Somaliland anigaa lahaa, waxaan sidaa u yeelayna waxa ay ahayd in aysan wax dhibaato ahi oga iman Somaliland, markaa qofkii aniga igu tuhmaya in aan Somaliland duminayo waa qof aan waxba iga aqoon, aniga iyo mabda’ayga toona”
Marka sidaa uu wadaadku udhigay hadalka loo akhriyo maxaad is-oranaysaa akhristaha mudanoow, waxa wadaadka in uu sidaa uyidhaahdo hadalka ku jaribay ma iimaan uu uqabo Somaliland-nimaddaa, mise waxaa la odhan karaa sida ay dad badani tilmaameen waa cabsi uu ka baqay wadaadku in ay dhibaato kasoo gaadho nimankaa qofkii ay garan waayaanba xiniinyaha dabka kaga dhejinaya! Illaahay baa naga og, laakiin dadkii Soomaaliyeed ee carigaa ku dhaqnaa intooda badani waxa ay hadal hayeen in umuurtaa ay wadaadka ku xabmaartay cabsidaa!
Culimadda W/B/S iyo Sh.Warsame
Isu Xaalad Ekaa!
Hadii aan dib uga soo laabano wuqooyigaa fog oo aan usoo kacno dhankaa bariga, su’aasha maanta aan is-waydiinaynaa waxaa weeye Culimaddaa Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya kasoo qayliyeey, waxa ku dhilyey taa ma wax ay qoonsadeen baa mise waa halkaa uu Sheekh Warsame maray oo umuurtii oo dhan lagu fasiray in ay cabsi un ku intahootay!, Bal adinkuna aragtidiina nasoo gaadhsiiya, si aynu u gaadhsiino kuwa aan isleenahay waa ay ka faaloon karaan umuurtaa, bal si wax un ay halkaa noogu kala cadaadaan!
Todobaadkan fariimihii ka imanayay xagaa iyo Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya waxaa ka mid ahaa, fariin uu jeediyey Sh.Dahir Aw-cabdi oo isagu sida intiina badan aad ogtihiin aan asal ahaan kasoo jeedin Goboladaa Wuqooyi Bari Soomaaliya, oo reeraha uu Sheekhu kasoo jeedo waxaa deegaankoodu yahay dhulka Soomaaliyeed ee cadowgu xooga ku haysto Soomaali Galbeed.
Waxaa marka aynu halkan marayno xusid mudan in Sheekhu uu ka mid ahaa horaantii sanadkii 2006 ragg dhowr ahaa oo tagay Magaaladda Muqdisho, isla maalmahaa markii uu wadaadku soo laabtay waxa uu usheegay ragii jaalkiisa ahaa ee gobolka ku sugnaa, in waxa ay soo arkeen ay ahayd arin aad u wanaagsan oo in raggaa lagu amaano mudan, goortaas oo uu wanaag badan kasoo sheegay Magaaladda Muqdisho iyo Islaamiyiintii gacanta ku hayay.
Cidii fidrigii ee sanadkii 2006 Khudbo aad uqiima badnayd oo uu ku qabtay garoonkii kubadda cagta ee Boosaaso, waxaa uu halkaa iyadna ka sheegay in raggi halkaa uu kusoo arkay iyo hoowshii ay qabteen ay ahayd wax wanaagsan oo runtii aad loogu diirsado, waqtigaa oo uu xoogaa buuq ahi halkaa ka dhacay.
Mudo kadib sheekhu waxa uu qayb ka noqday fariimihaa aan qaybtii hore ee Culimadda Puntland oga soo hadalnay, fariimahan oo intooda badan ku jeeday dhaliinyaradda dirirta iyo ka xoraynta dalka kula jira cadowgii Soomaaliya ee weligii iyo dabadhilifka kusoo hagay gudaha dalka Soomaaliya, tan oo Soo xasuusinaysa Soomaaliga xalaasha ah hadalkii Mingiste “Soomaalida waxaan kula dagaalami doonaa gudaha dalkooda Soomaaliya”.
Todobaadkan oo uu hadaba qayb lixaad leh ku lahaa farimo aad oga cuslaa kuwii kuwan ka horeeyey ee bishii lasoo dhaafay, ayuu sheekhu waxa uusoo qaaday arimo aan aad ukala cadayn, kuwan oo uu udhigsay sidan;
Firaq Al-Daalah(Kooxaha Dhunsan).
Kuwan oo sida qoran loogu yeedho koox walba oo aan haysan ama aan ku socon Kitaabka iyo Sunadda nebiga, ama waxyaalo badan oo aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta soo dhex geliya sida “Khawarijta, Iwm” – kooxahan dhunsan oo uu ku sheegay wadaadku in beryahan ay xodxodanayaan dhaliinyaradda, kuwan oo uu buu yidhi aan howl badan kasoo marnay, waagii faafinta diintan la bilaabay Soomaalidu waxa ay ceeb uyaqaaneen Xijaabka iyo Gadhka!”, arintan oo ogaalka Soomaalidii ku dhaqnayd Soomaaliya tan iyo bilowgii faafinta diinta ilaa iyo maanta aan la ogayn xijaabka meel uu ku ahaa mid laga faano – ha jirto dacaayad ka dhan ah xijaabka oo ay faafin jireen kooxo danna gaar ah lahaa, laakiin maalin keliya ma aynaan maqal meel uu xijaabku noqday wax laga faanno.
Atintaa waxaabad moodaa in ay tahay wax aan sidaa usii buudhnayn walow ay haboontahay in waqtiga laga run sheego, hadana waxaaba ka daran taa oo meel fadhiiso yidhi, ka waran dhaliinyaradii cadowga iyo daba-qoodhiga ka caabinayey shacabka, hadii loogu yeedhay Kooxaha dhunsan “Firaq Daalah”! Waxaa halkaa is-waydiin mudan ayamaa dhunsan kan cadowga boogaadinaya mise kan caabinaya? Waa su’aal jawaabteeda ay dadwaynuhu mudanyihiin inta wax kala garanaysa in ay ka jawaabaan.
Xag-jirnimadda (Tadaruf)
Sheekhu intii uu hadalkiisa ku jiray waxa uu si balaadhan ugu celceliyey in dhaliinyaradda laga ilaaliyo xagjirnimadda(Tadaruf), Islaamka iyo Muslimiinta ayaa ay Reer-Galbeedku ugu yeedhi jireen Xag-jir, Asal-raac Iwm, goormay bilaabatay in Muslimiinkii uu ugu yeedho Muslimiinta Xagjirnimo, Taanina waxa ay marqaati u tahay dagaalka ay Culimadda Boosaaso kula jiraan dhaliinyaradda imika tubta toosan qabtay, iyo sida lama filaanka ah ee ay culimadaasi fikradahaa u madax marsanyihiin, iyaga oo isaga dhawaaqaya hadaladaa iyagga oo habayaraatee aan fiirin waxa ay dhali karto ama ka iman kara!
Dib-Uheshiisiin
Waxa kaloo uu Wadaadku ku baaqay dib uheshiisiin, Yaa la heshiisiinaya oo is-dagaalsan, ma Soomaalida dhexdeeda, ma daba-qoodhiga iyo Soomaalida, ma cadowgii Soomaaliya ee weligii iyo Soomaalida? Waa ujeedo la garan waayey halka ay ujeedo! Tanina waxa ay tilmaan u tahay sida aysan wadaadada boosaaso farimaha kasoo dirayay in dhawaytaba aysan ola socon Soomaaliya iyo waxa ka taagan, ama shacabka ay ku doodayaan in ay culimadda uyihiin, oo ay dhowr jeer ku celceliyeen in shacabku kaga kalsoon yihiin cidwalba, islamarkaana ereyga kama dambaysta ah ay iyagu leeyihiin.
Hadii ay dib uheeshiisiinta uwadaan Soomaalida dhexdeeda Soomaalidu isma dagaalsanna ee waxa duleeyey ee in ay noolaadaan u diiday waa dabadhilifka ay leeyihiin culimaddu annaga dooranay sida Cadde Muuse iyo kuwa la midka ah, hadii kuwaas la wayn lahaana Soomaalidu waa dad Muslim ah, gumaysigana neceb, maalinta ugu horaysa ayay isu iman lahaayeen! Tusaale wanaagsanna waxaa kuu ah Islaamiyiinta Al-Shabaabku ay hogaaminayeen ee Gacanta ku dhigay intii badnayd Dhulkii Soomaaliya, kuwa maanta ay Culimadda Puntland lasoo fadhiyaan in ay yihiin kooxaha dhunsan “Firaq Daallah”!
Illaaalinta Dhaliinyaradda.
Sheekhu isaga oo ka hadlaya in la illaaliyo dhaliinyaradda ayuu yidhi “Dhaliinyaradda waa in aan ka illaalina, waxaan ujeedaa gabadhaha iyo wiilasha yaryar in ay usoo dhuuntaan “Firaq Daallah” oo markaa ay is-qarxiyaan, ama ay qarax ku dhintaan”, Marka aynaan fasirin hadalkan ee aan sida uu yahay un u eegno, xagee lagu arkay qof Soomaali ah oo Muslim oo bilaa macno isu qarxinaya, hadiise ay duruuftu ku kaliftay, oo dabaqoodhiga iyo cadowgii Soomaaliya ee weligii ay nafta ku dhibeen, maxaa u diiday in uu sidaa yeelo!
Dilalka Qorshaysan
Sheekhu isaga oo ka hadlaya dilalka qorshaysan ayuu yidhi dadkan yaan la laynin waan ubaahanay qof walba oo iyagga ka mid ah “Soomaalida” isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhaliinyaraddii ku jiray dacwadan in badan baa ka lexatay dariiqa ee kuwaa dib haloo eego, dadkaan yaan la laynin, wadaad iyo waranlaba inta hada joogta waan u baahanahay, kuwaas in aad badbaadisaa weeye Illaahay cabsidiisa, dilalka waa khatar”, dad badan baa iswaydiinaya dhaliinyaraddu ma waxa ay leexoodeen hadii ay yidhaahdeen war cadowga iyo dabadhilifkiisa aan iska celino, oo dalkeena iyo dadkeena ka ceshano, mise hadii ay usacab tumeeen? Bal Adba!
Baroortu Orgiga Ka Wayn
Intaa markaan kaga baxno weedhihii ugu dambeeyey ee Culimadda Boosaaso kasoo yeedhay, bal aan isla eegno waxa ay fariimahaasi salka ku hayaan, iyo sababta waqtigan dhalisay in ay fariimhaasi soo baxaan, koley ilaaa iyo imika ma jirana wax cad oo la odhan karo sababtaas ayaa ka dambaysa oo dhalisay in ay fariimahaani waqtigan soo baxaan.
Taariikhdu dadkay badhaa
Sooyaalka taariikheed ayaa tilmaamaya bilowgii in Magaca guud ee Islaamiyiinta dhiifoon ee Soomaaliyeed uu ahaa Itixaad, mudo hadii magacaa howsha lagu soo waday, oo dagaalo dhowr ahaa, islamarkaana ka dhan ahaa daba-qoodhiga kula galeen meelo kala duwan oo Soomaaliya ah, kasoo biloow dagaalkii islaamiyiintu la galeen Gen.Caydiid, kii ay la galeen Con.Yusuf iyo kii gedo ee ay la galeen cadowgii Soomaaliya ee weligii.
Dagaaladan oo aad u kululaa ayay daba-qoodhigu ku tilmaameen Islaamiyiinta Akhyaar gamuray oo aan la loodin karin marka laga eego dhan walba, xagga mabda’a iyo awoodaba, Gen.Caydiid oo ka waramaya dagaalkii Araare uu lagalay Islaamiyiinta isaga oo jooga Nairobi ayaa yidhi “Todobo Boqol oo Cidankayga qaybtii birta cuni jirtay ayay igaga dileen dagaalkaa”, waxa jiray marar badan oo gurmad lagu gingimayay guluf colaadeed oo ka dhan ah Islaamiyiinta lasoo waydiistay Con.Caydiid, walow uu isaga gaabsaday umuurtaa.
Dagaaladdaa ay Islaamiyiintu la galaeen daba-dhilifka, Culimadda Goboladda Wuqooyi bari baaqa kasoo diray weligood waa ay kasoo horjeedeen, sababta wax ay iyagu un ogyihiin, ama dano u gaar ah oo aan weli dhaliinyaradda u cadayn , waxaa kaloo xusid mudan in maalmihii Con.Yusuf gacanta lagu dhigay ee ay ahayd in uu Soomaaliya iyo Soomaalida dhinac u dhaafo uu ahaa Sh.Cabdulqadir Nuur Faarax shakhsiga keliya ee codsaday in lasii daayo, umuurtuna halkii aad ogaydeen bay ku intahootay! Ujeedadu maxay ahayd weli la isma waydiin.
Dagaaladii halkaa ka dhacay ayaa la ogsoonyahay in ay qayb ka ahaayeen ciidamo ka socday cadowgii Soomaaliya ee weligii, kuwaa oo ka dhinac dagaalamayay daba-qoodhigii dacadda u ahaa daafi-qurunlayda Itoobiya ka talisa, goortii ay islaamiyiintu isaga baxeen carigaa oo ay gadheen Laas-qoray waxa ay culimadaasi soo rogeen in la joojiyo dhamaan dhaqdhaqaaqyadda ciidan ee ururka, maalintaa ragii ka baxay, oo qaadan kari waayay go’aankaas weeye Al-Shabaabka imika udagaalamaya sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oga xorayn lahaayeen Itoobiyaanka iyo daba-qoodhiga is-huwan.
Intii ku hartay waqtigaa ururkii Al-Itixaad oo markii dambe loo bedelay Al-Ictisaam iyaguna waxa ay in badan u jadbaysnaayeen sidii ay oga qayb qaadan lahaayeen dhaqdhaqaaqa xoogan ee ciidan ee lagu xodhaynayo dalka, kuwan oo har iyo habeenba aan qarsan jirin hamuunta ay uqabaan sidii ay qayb lixaad leh oga qaadan lahaayeen howlahaa dalka lagu xodhaynayo.
Xaqu Feedhuhuu Ka Dilaacaa.
Maalmihii ugu horeeyey ee farimaha culimadaasi ay soo baxayeen ayaa ay dhaliinyaradii fajac iyo anfariir ku noqotay fariimahaas, kuwan oo in badan oo dhaliinyaraddaa ahi ay ku tilmaameen looma qaataan, shalay doodu dhinac kale iyo Soomaali dhexdeeda ayeey taagnayd, maanta oo daba-dhilifkii iyo cadowgii Soomaaliya ee weligii oo soo gaadhay xeebihii Soomaaliya oo uu ku taami jiray! Weli arintu ma waxay taagantahay dagaal nooma eka!
Dhaliinyaradu inta badan waxay is-wadiinayeen farimahan yeey dan u yihiin, yaase loogu khidmaynayaa, maxaa dabayaal intan koleyba aragnaye, maxayse rimantahay oo ay dhiiqi doontaa? Weli jawaabo looma helin su’aalahaa!
Wixii La Filayay Ayaa Dhacay
Dhaliinyaradii waxa ay ku dhawaaqeen urur cusub oo loogu magac daray JIS, Jabhadda Islaamka Soomaaliyeed, tan oo balan ku qaaday in ay awood ciidan iyo cudud kaga qayb qaadan doonaan dirirta iyo duulaanka lagaga soo horjeedo cadowgii Soomaaliya ee weligii iyo daba-qoodhigiisa!
Waqtigan xaadirka ah JIS, howlgaladda Al-Shabaab iyo kuwa la mid ah ayeey ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, kuwan oo saf balaadhan ogaga soo wada horjeeda cadowga!
Dad kale oo badan oo Ah-lul kheyr ah ayaa iyaguna lahaa marka umuurtu ay sidaa isugu biyo shubato, waxaa muuqanaysa in ay odayadaa Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliiya fariimaha kasoo dirayaa aysan gacan wax ugu jirin, imikana ay umuuqdaan in ay fariimahaa miciin bidayaan iyo in ay dhaliinyaradda xaq u dirirka ah utusiyaan Soomaalida inteeda kale in ay yihiin Khawaarij diinta Islaamka habayaraatee aan meelka ka haysan, ugu dambayntase waqtigaa sheegi doona waxa ay arimahaasi ku dhamaan doonaan.
Voice Of Youth
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |