Posted: 03.09.08 11:00 AM
Voy. Soomaali badan oo dibadda iyo gudahaba joogta, ama haksoo jeedaan goboladda Wuqooyi Bari ee uu imika odaygu doonayo in uu horjoogaha ka noqdo, ama Soomaalida kale ayaa runtii is-waydiinayay in dhawaytaba falal badan oo uu Sheekhu ku talaabsaday tan iyo goortii uu bilaabay in uu Siyaasadda Soomaaliya dhinaca ku qabto, kasoo biloow tii ugu dambaysay ee Carta lagu soo dhisay illaa iyo tan Gedi iyo Con.Yuusuf oo isagu imika ku sooray Soomaaliya cadowgeedii weligeed “Itoobiya”.
Marka aynu kaba soo tagno damaca Sheekhu uu ku doonayo hogaaminta Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya “Puntland” , oo sida lawada ogsoon yahay maanta la daalaa dhacaysa, darxumadda kuwa uu ku qaraabto daba-qoodhiga ka amar qaata daafi-qudhunlayda ka talisa Itoobiya, marka lagaba soo tago canaasiirta caloosha u fadhida gobolka oo in ay wax badbaadiyaan haba joogtee boob ku asqeeyey wixii wax soosaar ahaa ee uu gobolku lahaa, halka wixii iyagga gacantooda ka badbaadayna loo dhoofiyo koonfurta Soomaaliya, tan oo biil joogta ah looga dhigo ciidamadda daafi-qudhunlyda ka jooga gudaha dalka Soomaaliya.
Ujeedadu waxay dooniba ha noqotee, waxaa ay inta badan daba-qoodhigaa dhawaanahanba hadal-hayeen in ujeedadu ay u egtahay sidii tii shalay, iyo arsi loo adeegsanayo daafi-qudhunlaydaa, lama oga halka uu qar iska tuurkani ku dhamaan doona, walow halkaa la odhan karo “Ma Qofbaa Abaal Loo Geli Lagu Ulayn Doono”
Kal-Gacayl Aan Lala Gaban.
Gaadaale waxa uu si dhiifoon isaga oo aan dan iyo helo u gelin waxa ay keeni karto ama ka dhalan kara hiil iyo hooba u galay dowlad ku sheegii carta lagu soo dhisay, tan oo ujeedada ugu wayn ee laga lahaa ay ahayd sidii uusan marna Nidaam Islaami ah oga hana-qaadi lahayn dalka Soomaaliya, shirar dhowr ah oo isdaba-joog ahaa ayuu ku qabtay Magaaladda NewYork ee dalka Maraykanka, wuxuu dooniba ha ola jeedee, waxa uu waqtigaa balan qaaday in uu Inna Salaad Xasan oo maalintaa Ummadii halkaa isugu timi hortooda isku boohiyey, isgarab taagi doono heerkey dooniba hala gaadhee!
Sidoo kale waxaa jiray xarumo badan oo uu Sheekhu socod ku tagay, isaga oo taageero u doondoonaya Inna Salaad Xasan, islamaalmahaa waxa uu Sheekhu u aruuriyay Inna Salaad Xassan Hal milyan oo lacagta Maraykanka ah, arimhan oo aad ogtihiin intiinii goobta taalay haantaa-wilif iyo jahawareerkii ay ku intahoodeen.
Bal Waaba Con.Yuusuf.
Xiligii ay daafi-qudhunlayda iyo daba-qoodhigii dalka iyo dadka u garba duubay dhameeyeen laba sanadood oo ay fadhiyeen Nairobi, iyagga oo intaa falkinayay halka ay marayso maanta Soomaaliya, iyo wax badan oo qarsoon oo aynaan ogayn, Sheekhu halkaa buu misana kasoo booday, waxa uu qabanqaabiyey xaflad runtii dadkii kasoo qayb galay ay ku tilmaameen in ay malaynayeen in loo oogay xafladan muhimad wayn oo ku jeeda dalka iyo dadkii Soomaaliyeed, oo cidii soo dhaqaaqdaba ama afka kala furtaba ay islahaayeen armay wax un wanaagsan soo kordhiyaan.
Waxyaabaha aadka loogu xasuusto ayaa ah in uu Sheekhu meel ka badan kaga celceliyey in uu isagu shakhsiyan kusoo casumay Itoobiyaanka xafladaa oo lagu qabtay baarlamaanka dalkaa Canadda, tan oo buu yidhi aan si gooni ah oga doonaynay inay Soomaaliya xal waara uhesho, “ujeedadu waxay ahayd in aan Soomaaliya ka saarno dilka, dhaca iyo dhibaatadda ay ku jirto” Ayuu yidhi Sheekhu isaga oo jadbaysan.
Sheekhu waxaad moodaa in uusan la socon siyaasadda iyo xaaladda runta ah ee gobolka, gaar ahaan tan dowladaha deriska ah ee ku aadan Soomaaliya, iyo sida ay qolyahaasi intay maalin walba dagaal ooge soo dhoodhoobaan ay u doonayaan in ay danahooda ku gaadhaan, iyo sidii Soomaaliya halkaa ay taalo loogu sii hayn lahaa weligeed iyo weligeedba.
Xafladdii habeenkaas dhamaan dadkii kasoo qayb galay oo safiiro lahaa, madax dowladda Canadda ka socota lahaa, Shacabwayne Soomaaliyeed lahaa, Ardaydu sidoo kale ay joogeen, gabadho aad u da’yar oo Soomaaliyeedna ay halkaa kusoo bandhigeen gabayo ay afka Ingiriisida ku sameeyeen, ayaa ay si wayn oga muuqanaysay dareenkoodii dhabta ah ee ay ku kaydinayeen qalbigoooda, bal ugu yaraan inta laga arkayo dad wax un xikmad ah soo kordhiya, tan oo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa dalkii iyo dadkii Soomaaliya. Nasiib daro waxaas o dhami waxa ay ahaayeen hal bacaad lagu lisay, iyo awoodoodii oo si siloon loo adeegsaday!
Xafladdaa oo imika laga joogoo sadex sanadood iyo xoogaa, qaar badan oo waqtigaa ka qayb qaatay, welibana aad ugu xamaasaysnaa markii aan wax ka waydiinay waxa ay hadalkoodii kusoo gaabiyeen “Talo Isuma Kaa Sheegto” iyo “Marka Aad Wax Aragto Ayaad Garataa”, laakiin waqti dib looga shalaayo wixii lasoo amaamuday shar iyo kheyrba ka fog maanta oo ugu yaraan 39 sagaal bilood laga joogo waqtigii ashqaalkaa la caqiday, maxaa loola jeeday kuwii udhididay ayaan garan illaa iyo maanta!
Jowharna Maxaa Galay!
“Waxaan usoo jaray 10.000 oo Mile si aan Con.Yuusuf fadhigiisa ugu tago”
Adam M. Ciise
Sheekhu intaa un iyo gingimidda xafladahaa kuma uusan ekaanine waxa uu isisii taagay Magaaladda Jowhar, halkaas oo uu waqtigaa ku sugnaa Con.Yuusuf isaga oo horay usii kaxaystay dhowr nin oo ka mid ah dowladda dalkan Cannadda, yaa dan lahaa, ma Cannadda Mise Sheekha, lama oga illaa iyo hada, waqtigaa dad goob joog ahaa waxa ay sheegeen in uu Con.Yuusuf Sheekha ku yidhi “Wiilyahow Sidani Ma Daacad Bay Kaa Tahay, Mise Waa La Wehliyaaa”, Sheekha oo aan weedhahan sugaynin ayaa isaguna ku warceliyey “Illaahay baa nagu og, in aysan wax kale waehliyin”.
Xiligaa wixii ka dambeeyey sheekhu waxa uu ku biiray Soomaalida oo intooda maquustayaasha ahi ay laahaayeen bal hala sugo, xiligan waa intaas oo Con.Yusuf lagu arko wax un wanaagsan oo kasoo fulee, Soomaalidu waxay tidhaahdaa ninkaas saacad ku baranwaydo sanadna kuma baratid, rajadii laga qabay in uu wax wanaagsan maalin un sameeyo, waxay isugu biyo shubatay halka aad aragteen iyo in Xaruntii Dalkii Soomaaliya uu daafi-qudhunley ku casuumado!
Qof ay Meeli U Cadahay
Meeli Ka Madoow!
Xiliyo badan oo kala duwan oo sheekha wax laga waydiiyey waxa uu nimankan qowlaysatadda ah isu garab taago waqti walba ayuu sheekhu ku hadlay “War Miyeeydnaan dowlad Soomaaliya ka dhalata dan ka lahayn” – Marka sidaa uu hadalka udhigay Sheekhu loo raaco, waa sababta keentay in ay dad badani is-waydiiyaan kuwa in aad taageerto oo ay Dowladda dalka iyo dadka dan u ah dhaliyaan adiga astaamo kuuma laha miyaa, mabda’a Islaamnimadda ee aad ka duulaysaase muxuu kaa doonayaa, haday taageero noqoto, ama dhamaan wax walba oo Illahay kugu adoonsaday! Umuurahaas oo dhan Sheekhu dhagaha ayuu ka furaystay! Lama oga wax ku kalifay in uu sidaa yeelo.
Arimaha kale ee runtii is-waydiinta mudan waxaa weeye intii islaamiyiintu ay gacanta ku dhigeen inta badan dhulkii Soomaaliya marna lama arag isagii oo u jadbaysan sidii uu ula dhacsanaa qawlaysatadii reer galbeedka iyo daafi-qudhunlaydu xagga dambe ka riixayeen, arintan sow akhristaha mudanoow shaki wayn oo balaadhan kuma dhalin karto dhalinyaradda Soomaaliyeed oo intooda badan maanta Illaahay noloshooda diinta ku duway, gaar ahaan kuwa Puntland oo ah halka imika Sheekhu utafo xaytay in uu ka taliyo!
Sheekhu Muxuu Falay!
Waqtigaa ka dib sheekhu dalal badan oo dunida ah ayuu isaga gudbay isaga oo ka digaya, islamarkaana dumaya hiil iyo hooba sidii cadowga dalka looga difaaci lahaa, waqtigaa waxa uu ka sheekeeyey wax uu ugu yedhay “Al-Ixtilaaal”! walow uu isagu bilowgiiba lahaa taageeradda Qowlaysatadda ku casuumaday xaruntii Soomaaliya cadowgii Soomaliya ee weligii.
Hada oo uu ku dhiiraday in uu yidhaahdo waxaan isu shararxayaa in la iidoorto in aan hogaamiyo Goboladda Wuqooyi Bari Soomaliya “Puntland”, weli ma cadda mabda’a uu la shir tegi doono, mararka qaar waxaad maqashaa isagii oo leh, waan taageersanahay wax uu isagu ugu yeedhay Dowladda Fedraalka, mar kale waxaad aragtaa isagii oo leh dalkii Soomaaliya oo daafi-qudhunlay gacanta loo geliyay wax noo cuntama ma ahan maanta Iwm.
Warkii ugu dambeeyey ee sheekha laga maqlay dhawaanahan intii uu booqanayay dalal badan oo dunida ah waxay ahayd “Federaalka waan la shaqaynayaa wixii uu ku saxsanyahay, wixii uu ku qaldanyahayna waan isaga tagayaaaa” – Waa halkii Soomaalida ee Hal xaaran ahi nirig xalaal ah ma dhashaaaa? Waa Su’aan aan filayo in aad jawaab uheli doontaan!
Sheekha, Dhaqaalaha iyo
Federaal-ka.
Waxa uu sheekhu isaga oo ka hadlaya meel ka badan sheegay in Sheekhu hadii loo gacangeliyo hogaaminta goboladda Woqooyi Bari Soomaaliya uu shar iyo kheyr ba la qabi doono waxa uu ugu yeedhay Federaalka, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi “Innaga oo gacmaha is-haysana ayaanu wada shaqayn doonaa, hadii ay dhaqaale na waydiistaanna waan siin doonaa, hadii ay iyagu dhaqaale na siiyaanna waan arkaynaa.
Imikaadba moodaa in Sheekha waxa uu Federaal-ku ka doonayo uu sii ogyahay, waayo isaga oo aan ogaynba waxa uu la kulmi doono, in la dooran doono, in geeska la gelin doono iyo in qolyahaa gobolka ee u jdabaysan qowlaysatadda ay kaba takhalusi doonaan isaga, sida rag badan oo jaalkii ah horay ugu dhacday ! Umuurahaa oo dhan waxaad moodaa in ay yihiin kuwa is-waydiin mudan!
Qof Yidhi Aniga Idoorta!
Sheekha oo marar badan ku celceliya in Islaamku uu yahay mabda’a keliya ee uu ku qanacsanyahay, ama uu doonayo in uu ka dhigto mabda’iisa abadiga ah, tan oo ah sida uu Illaahay ka doonayo, ayaa iyadna la iswaydiinayaa muxuu ka yeeli doonaa, maadaama uu mabda’a uu aaminsanyahay ee Islaamka uu diidanyahay in uu qof Muslim ah intuu isisoo taago uu yidhaahdo aniga idoorta.
Inkasta oo aanan weli maqal cid si gooni ah u waydiisay sheekha hadana waa Su’aal mar walba in badan oo Islaamiyiinta ah madaxooda ku taagan, iyo bal sida uu qiil ugu helayo dunidan iyo tan ka badan kana dambaysa ee dunida oo dhan kuwii hore iyo kuwii dambaba loosoo xashrin doono.
Ugu dambayntii waxaan odhan lahayn hadii uu sheekhu sidaa u dhigay doonistiisa iyo damaca imika galay ee uu ku doonayo hogaaminta goboladaa Woqooyi Bari ee Soomaliya maxaa la gudboon, muxuuse soo kordhin karaa, ma waxa uu qayb ka noqon doonaa, kuwa aan aragnay ee imika daafi-qudhunlayda u adeegaya ee dhaqaalihii gobolkana ka dhigay waxay jeebadaha ku shubtaan iyo wax ay ciidamadda cadowgii Soomaaliya ee weligii ku deeqaan, si ay ugumaadaan Soomaalida inteedii kale gaar ahaan koonfurta, mise wuu dhaami doonaa, oo bal ugu yaraan waxa uu hoos u eegi doonaa baahida dadka iyo gobolka, kadibna oga gudbi doonaa sidii daafi-qudhunlayda looga xorayn lahaa Dhulkeenii Hooyo Soomaaliya.
Voice Of Youth
QAYBAHA QUURSIGA:
1 | 2| 3
BAL TANNA SOO EEG
1 | 2 | 3 | 4 | 5| 6 | 7 | 8 | 9 |